Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Xildhibaan Kale oo Iska Casilay Baarlamaanka Soomaaliya
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 04 2008
Xildhibaan Kale oo Iska Casilay Baarlamaanka Soomaaliya
Written by Ali Moallim   
Sunday, 04 May 2008

Wajid,(insidesomalia.org)- Waxaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay Xilkii Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi (Taaw) oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Maxamed Taaw oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada waajid ayaa wuxuu sheegay in uu go’aanka is-casuilaaddiisa qaatay, kadib markii sida uu hadalka u dhigay uu Baarlamaanka Soomaaliya gudan waayay waajibaadkii laga sugayay, isla markaana uusan wax ka qaban karin dhibaatooyinka Dalka Soomaaliya ka dhacaya.

Axmed Taaw oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya uusan ka tirsaneyn Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu ka mid yahay dadka shacabka ah ee aan Dowladda ku jirin.

Inkastoo Axmed Taaw oo ka soo jeeda Beelaha dega Gobolka Bakool uu sheegayo in uu isu casilay sabab la xiriirta Baarlamaanka oo howshiisa gudan waayay, hadana waxaa jira warar sheegaya in ay jiraan hanjabaado soo gaaray oo uga yimid dhinaca Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, inkastoo uusan Axmed Taaw afkiisa ka sheegin.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhaliilaa in ay waqtigooda intiisa badan ku qaataan Hotellada Magaalada Baydhabo, isla markaana markii ay cabaar joogaan ay mooshinno ka diyaariyaan Xukuumadda markaas jirta, iyadoo la ogaa in todobaadyadii aynu ka soo gudubnay ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay Baarlamaanka hor-geeyeen, iyadoo ka sii horna la ogaa inta jeer ee Baarlamaanka looga yeeray Ra’iisal Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaanka maanta is-casilay ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii labaad ee iskiis isaga casilay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay isu casilay Cabdi Casiis Ibraahim oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo isna is-casilaaddiisa ku sababeeyay in uu udulqaadan waayay waxyaabaha ka dhacaya Dalka Soomaaliya iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga aamusan tahay.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >